Itoobiya oo markii u horeysay qabatay hogaanka howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Jeneraal Tigabu Yilma Wondimhunegn oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa Khamiistii la wareegay hogaanka Ciidamada Midowga Africa AMISOM ee howlgalka u jooga Somaliya.

Waxa uu xilkan kala wareegay Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, oo soo hayay January 2018 illaa January 2019.

Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo kasoo Jeeda Uganda ayaa isna Hore xilka kala wareegay Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh oo u dhashay dalka Jabuuti.

Madaxa guud ee AMISOM, ahna Wakiilka Midowga Africa ee Somalia, Francisco Madeira iyo saraakiil sare ayaa ka qeyb­galay munaasabad kooban, oo labada taliye xilalka ku kala wareegeen.

Taliyaha cusub ayaa la sheegay inuu leeyahay qibrad ciidan oo mudo 34 sano ah, waxaana uu xilal kala duwan kasoo qabtey qeybaha ciidamada difaaca dalka Itoobiya.

Waa markii ugu horeysay oo Taliye kasoo jeeda Itoobiya qabto xilkan, iyadoo Xukuumadda Addis Ababa mudo ka meer­maaraysay in ciidamadeeda ay Muqdisho tagaan sidoo kalena ay hogaanka AMISOM la wareegaan, balse hadda arintaasi uu bedelay Abiy Axmed.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago