Last News

Injineer Turki ah oo lagu dhaawacay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari ay wateen miino kula kacday inta u dhaxeysa Jaamacadda Shabeelle iyo Degaanka Tabeellaha.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Injineer Turki ah oo qeyb ka ahaa dadka dhisaya Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Dadka dhaawacmay ayaa kala ah Injineerka Turkiga ah iyo labo qof oo ilaaladiisa ah kuwaas oo ah Muwaaddiniin Soomaaliyeed.

Xilliga uu qaraxa dhacayay Injineerka ayaa waxaa uu kormeerayay qeybaha dhismaha ee Waddada,waxaana dhaawaciisa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Waddadan u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ku socda Dhisme,waxaana ka jirin dhaq dhaqaaqa Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa taageeraya Dowladda Qadar waxaana qandaraaska dhismaha heysta Sharikad laga leeyahay Dalka Turkiga.

News Editor

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

2 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

2 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

4 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

6 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

8 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

8 hours ago