Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye, kaas oo ka mid ah madaxda lagu casuumay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Villa Somalia ka furmi doona maalinta Isniinta ee todobaadkaan.
Warar soo baxaya oo ay heshay Mustaqbal Media ayaa sheegaya in madaxda maamullada qaar in aysan ku qanacsanayn, kasoo qaybgalka maamulka SSC khaatumo ee shirka Golaha Wadatashiga Qaranka,
Madaxwaynayaasha Dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa la rajaynayaa in iyaguna soo gaarraan magaaladda Muqdisho saacadaha soo socda, si ay uga qeyb galaan shirkaan.
Dhanka kale maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa la filayaa in aysan ka soo qayb galin shirka golaha wadatashiga qaran, xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo heerkoodu sareeyo kuwaasi oo kala dhaxeeya dowladda dhexe.
Beesha caalamka ayaa aad ugu cadaadinaysa madaxad dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada in la wada hadlo si loo dhameeyo khilaafyada siyaasadeed ee jira kuwaas oo ay ugu waawayn yihiin isku waafaqsanaan la’aanta ka jirta wax ka badalka dastuurka iyo doorashooyinka dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Madaxweynaha Puntland Saciic Cabdullaahi Deni ay u dirtay casuumaad shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, balse ay shuruud ku xirtay ka qeyb galka shirka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…