GUDAHA/wararka

Ciidanka Danab oo howlgallo ka wada gobolka Shabeellada Dhexe

Ciidamada gaarka ah ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah ka sameeyey tuulooyin iyo deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalladan oo uu hoggaaminayay taliye ku-xigeenka ururka 164’aad Laba Xidigle Daahir Xuseen Jimcaale (Kabayare), ayaa laga fuliyey tuulooyinka Cadalow, Buurfuule iyo Buurane.

Ujeeddada howlgallada ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa weerarada AS ay ka fuliyaan deegaannad gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliye Kabayare ayaa kulammo la qaatay dadka deegaanka ee ku nool tuulooyinkii la howlgalladay, wuxuuna ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falalka amni-darrada ah.

Maalmihii u dambeeyay waxaa gobollada dalka, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, ka socday howlgallo wadajir ah oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu adkeeyo nabadda loogana hortago khatar kasta oo amni.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago