Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka warcelisay weerarrada siyaasadaysan ee uga imaanaya Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump iyo xubnaha taageersan oo marar badan haweeneydaan beegsaday isla markaana aanay waxba u yaraysan.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay ku faanayso in ay tahay Muslimad, ka dhalatay Soomaaliya noqotayna Ameerikaan, iyada oo Madaxweyne Trump & Xulufadiisa ku eedeysay in ay dhinac iska dhigayaan shuruucda dalkaas.
Waxa ay intaas ku dartay in aanay marnaba la aqbali Karin hadallada gurracan ee Madaxweyne Trump uu u adeegsanayo shaqsiyaddeeda iyo dalkeeda koowaad ee Soomaaliya, waxa ay si asluubaysan u fartay in uu aqristo nidaamka sharci dejinta oo si qaldan u fahmay.
Xildhibaannada Jamhuuriga oo ay la dhinac martay dusha waxa ay ku dhaliishay in aanay Madaxweyne Donald Trump barin xeerarka iyo nidaamka uu ku shaqeeyo aqalka Kongareeska oo ay xubin ka tahay Xildhibaan Ilhaan Cumar.
“Waan ku faanaa in aan Muslim ahay, waan ku faanaa in aan ka dhashay Soomaaliya, waana ku faanaa in aan ahay Ameerikaan, cidna wax igama baddeli karto” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo jawaab siinaysay Madaxweyne Trump.
Dagaalka Siyaasadeed ee Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sii xooggaysanaya marba marka dambeysa iyada oo ay kusoo biirayaan xubno cusub oo la safan hoggaamiyaan sida aan wanaagsanayn dadka ula hadla.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…