CAAFIMAADKA

Ilaali badqabka maskaxeed ee ilmahaaga, hana u iibin taleefan casri ah ka hor da’da 13 jirka

Cilmi-baaris cusub oo lagu daabacay joornaal lagu magacaabo Journal of the Human Development and Capabilities ayaa muujisay in isticmaalka taleefannada casriga ah iyo baraha bulshada ee carruurta ka yar da’da 13 jirka uu si toos ah u dhaawici karo caafimaadkooda maskaxeed.

Daraasaddan oo lagu sameeyay in ka badan 1.8 milyan oo qof oo ku kala nool 163 waddan oo daafaha dunida ku kala yaal, ayaa sheegtay in markasta oo ilmuhu helo taleefan casri ah ka hor da’da 13 jirka ay hoos u sii dhigayso caafimaadkiisa maskaxeed iyo kalsoonidiisa nafsiyadeed.

Waxyaabaha ugu badan ee sababaya dhibaatooyinka maskaxeed ee ay la kulmayaan caruurta ayaa lagu sheegay inay yihiin isticmaalka joogtada ah baraha bulshada, hurdo la’aanta, xiriirka uu la leeyahay qoyskiisa oo xumaada, iyo xadgudubyada dijitaalka ah ee uu daawado.

Cilmibaarista ayaa lagu sheegay in gabdhuhu ay yihiin kuwa si gaar ah ugu nugul saameyntan, iyagoo la kulma kalsooni-darro nafsadeed, sidoo kalana ka fogaada nolosha dhabta ah.

Tara Thiagarajan, oo ah shaqsiga hoggaamineysay daraasaddan kana tirsan hay’adda Sapien Labs, ayaa ugu baaqday dowladaha dunida inay si degdeg ah u xaddidaan isticmaalka taleefannada iyo baraha bulshada ee carruurta da’doodu ka yar tahay 13 jirka. Tara Thiagarajan ayaa sidoo kale sheegtay in xeerar cusub loo baahan yahay si loo ilaaliyo deegaanka dijitaalka ah ee carruurtu ay la falgalaan.

Khubaro kale oo arrintan ka hadlay ayaa sidoo kale ku talinaya in aan carruurta loo ogolaanin isticmaalka baraha bulshada ilaa ay gaaraan da’da 16 jirka. Tusaale ahaan, cilmi-baaris laga sameeyay UK ayaa muujisay in isticmaalka baraha bulshada ee inta lagu jiro da’da qaan-gaarka ilmaha uu hoos u dhigo qanacsanaanta nolosha ilmaha ee sanadka xiga.

Waalidiinta ayaa inta badan carruurtooda u iibiya taleefannada iyaga oo ka baqaya in carruurtoodu ka haraan fursadaha bulsho ee ay asxaabtoodu helaan, maadaama inta badan ilamaha kale ee uu la kulmayo cunuggoodu sida kuwa uu dariska la yahay iyo kuwa iskuulkuba ay isticmaalaan taleefan casri ah.

Daraasaddan ayaa muujisay in waalidiintu ay door weyn ka ciyaari karaan badbaadinta carruurtooda kana gudbi karaan caqabaddan haddii ay si wadajir ah u gaaraan go’aan. Tusaale ahaan, in waalidiintu si wadajir ah u saxeexaan inaysan carruurtooda siin taleefan casri ah ilaa ay ka gudbaan da’da qaangaarka. Talooyinka kale ee ay daraasaddu bixisay waxaa kamid ah in waalidku ay ilmahooda geeyaan dugsiyo leh shuruuc adag oo ka dhan ah isticmaalka taleefannada casriga ah.

Cilmi-baaristaan waxay fariin cad u tahay waalidiinta caalamka oo ay kamid yihiin kuwa Soomaalidu. Si loo ilaaliyo badqabka caafimaadka maskaxda carruurta, waalidiintu waa in ay ilaaliyaan da’da ay carruurtoodu ku bilaabayaan isticmaalka taleefannada casriga ah iyo baraha bulshada.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

2 mins ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

3 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

3 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago