Howlgal ka socda Buulo Burte kaddib qarax lagu dilay Askar Jabuutiyaan ah

Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada AMISOM ee ka socda Dalka Jabuuti iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee jooga magaalada.

Howlgalkan ayaa daba socda kaddib qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay Magaalada oo ay ku dhinteen labo ka mid ah Askarta Jabuuti kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ayaa Hawada ka saaray isgaarsiinta Magaalada shalay gelinkii dambe ilaa xalay inkasta oo markii dambe la soo celiyay.

Sidoo kale Askari ka tirsan Ciidanka Jabuuti ayaa ku dhaawacmay Qarax,waxaa kale oo isna uu dhaawac soo gaaray Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ay ku dhinteen Askarta Jabuutiyaanka ah ee ka dhacay Magaaladaasi.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa Magaaladaas ka dhacayay Qaraxyo u badnaa Miinooyin oo khasaare nafeed uu ka soo gaaray Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

8 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

9 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

11 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

11 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

13 hours ago