GUDAHA/wararka

Howlgal ka dhacay gobolka Galgaduud oo lagu dilay 30 ka tirsan AS

Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa howlgal ay iska kaashadeen waxa ay la fuliyeen meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey oo ah deegaan u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Ku dhawaad 30-kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, howlgalkaas ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.”

Sidoo kale warka dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Hawlgalka  intii uu socday halkaas lagu gubay agab isugu jira  gawaari iyo saanad ciidan intaba; iyada oo lagu sheegay warka in Ciidanka dowladda ay ula socdeen dhaqdhaqaaqa ka socda deegaannadaas.

Hawlgalaan ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa ku soo aadaya xilli bilooyinkii u dambeeyay halkaas ka socdeen dagaallo ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale waxa uu ku soo aadayaa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorsheyneyso weji labaad ee dagaalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Doorashada Hoggaamiyaha iyo ku xigeenka Galmudug oo maanta qabsoomeysa

Golaha Wakiilada ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka kooban 89 xubnood ayaa maanta dooranaya Hoggaamiyaha…

43 mins ago

Wasaaradda Caddaaladda XFS oo soo saartay habraac la xiriira Guurka

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu…

13 hours ago

Maxay yihiin sameecadaha ay Kuuriyada Waqooyi gaynayso xadka Kuuriyada Koofureed?

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay dhammaadka bisha Oktoobar dib u hawlgelin doonto sameecadaha ay ka…

15 hours ago

Qaramada Midoobay & Ingiriiska oo ku ballamay sii wadista taageerrada la siiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOS iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u…

21 hours ago

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Urur Siyaasadeedka JSP oo dowladda ku eedeysay in uu gacan saar la leeyahay AS!

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoomiye ku xigeenkii Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajir ee JSP, ahna…

21 hours ago

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Dhagaysanaya hadal jeedinta musharriixinta Hoggaamiyaha & ku xigeenka Maamulkaas

Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagaysanaya hadal jeedinta Musharrixiinta u tartamaysa Hoggaamiyaha iyo ku…

23 hours ago