Waxaa maqribnimada caawa la ciyaari doona kulanka ugu adag kulamada isbuucan laga ciyaarayo horyaalka Premier League-ga kooxda United-ka oo ku jirta xaalad xun ayaa cawa markale ciyaari doonta kulan adag waxeyna marti qaadinonaan kooxda Chelsea.
Chelsea ayaa maanka ku heysa guuldaradii soo gaartay Tottenham iyadoona ku fikireysa in ay guul gaarto si ay geedka horay ugu soo fuusho.
Man United ayaa kulanka u soo galaysa si ay ugu soo laabato wadada guulaha kadib laba guuldaro oo xiriir ah oo ay la kulantay si ay u soo noolayso rajadeeda champions League xilli ciyaareedkan dambe.
Chelsea oo 3 dhibcood ka dambaysa Man City ayaa ogsoon in guul ay gaaraan in ay la macno tahay in ay maamuli doonaan u soo bixistooda champions League labada kulan ee ka haray horyaalka.
Kulanka:Man United vs Chelsea
Tartanka: Premier League-ga.
Wakhtiga: 6:30 Maqribnimo.
Garoonka: Old Trafford.
Garsoore: Martin Atkinson (England)
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
United-ka ayaa badisay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Old Trafford kula ciyaartay chelsea laakiin Blues kumay garaacin Old Trafford 3 kulan oo xiriir ah tan ilaa January 1957-kii.
Chelsea ayaa guulaha ugu badan ka gaartay Man United horyaalka premier League marka loo eego kooxaha kale ee ka ciyaara tartan iyaga oo garaacay 18 kulan.
Anthony Martial ayaa dhaliyay 2 gool kulankii lugtii hore ee labada kooxood xiddiga kaliya ee Man United ah ee 2 gool dhaliya labada kulan horyaalka premier League ayaa ah xiddigaha Wayne Rooney in 2011/12 & Eric Cantona in 1992/93.
Safafka Macquulka ah:
Man United:
De Gea; Darmian, Smalling, Lindelof, Shaw; Matic, McTominay, Pogba; Lingard, Lukaku, Rashford
Chelsea:
Kepa; Azpilicueta, Christensen, Luiz, Emerson; Kovacic, Jorginho, Loftus-Cheek; Pedro, Higuain, Hazard.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…