Hoggaamiyayaasha Magaalada Mandheera iyo Odayaasha degaanka ayaa saraakiisha amaanka kala hadlay amniga sii xumaanaya ee Mandheera.
Kulanka saddex geesoodka ah ayaa waxaa lagu lafa gurayay sababta dhalisay in dhulka lagu socon waayo inta bandanna diyaarado la isaga kala gudbo Gobolka iyo dalka Kenya intiisa kale.
Adan Kullow,oo ka mid ah Xildhibaannada Koofurta Mandheer ayaa sheegay in Al-shabaab ay dileen 36 Shaqaalaha kaawada qodaha ah sidaasna ku hakatay kaawo qodidda,shaqaalihii kaawada qodayay ayaa Diyaarado uga baxay Gobolka,waxaana uu xusay in horumarkii Mandheera uu hakad ku jiro.
Kulankan waxaa uu dabacsocday weerar talaadadii la soo dhaafay lagu dilay labo ka mid shaqaalaha darbiga Kenya ay ka dhiseyso Sohdinta Soomaaliya,kuwaas oo gaari ay la socdeen ay Miino kula qaraxday Duleedka Mandheera.
Isaga oo ka hadlayay kulanka ayuu sheegay in Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya oo dheer darteed ay waqti badan ku qaadatay Ciidamada Amaanka ay ay xaqiijiyaan amniga,taasna aysan wali si rasmi ah u u suurta gelin.
Waxaa uu isweydiiyay sababta Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ay wax ka badan 12 Saacadood ugu qaadatay in ay tagaan goobta qaraxu ka dhacay ee ay ku dhinteen shaqaalaha?.
Waxaa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhisilahaa xarun dhaqan celin oo lagu hayo dhallinyarada ka soo baxda AL-shabaab isaga oo sheegay in Maamulka Gobolka ama dowladda dhexe uu ka dhameynayo arrintaas.
Ku sihama Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq Paul Kemei,waxaa uu dadka degaanka ka codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka si looga hortago weerarrada Al-shaabab.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…