Hay’adda Maaraynka Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa ku baaqday in gargaar degdeg ah laga gaaro gobollada Dalka oo saamayn taban ku reebtay Abaarta ka jirta, xaaladda ugu adag waa helista biyaha iyo wixii ay cuni lahaayeen Dadka & Xoolaha ay dhaqdaan.
SoDMA oo deegaannada qaar ka billowday biyo dhaamin ayaa sheegay in uusan ku filnayn Dadka iyo xoolaha ay dhaqdaan maadaama dhulka laga keenayo masaafo ay u jirto deegaannda qaar sida wararka la helayo ay sheegayaan.
Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay soo arkeen Dad qaarkood saacado badan aan wax cunin kuwaas oo qaarkood billaabay in jirkooda uu isbaddelo sabab la xiriirta cunno la’aantaas haysata.
Gobollada Dalka ayaa kala daran heerka Abaartu gaarsiisan tahay, deegaanno waxaa jira dadkii degenaa ay isaga guureen iyada oo xoolihii ay dhaqanayeen ay tarab-tarab uga dhamaadeen maadaama aysan u heli Karin Biyo iyo daaq lagu naf qabto.
Mustaqbal
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…