GUDAHA/wararka

Hay’adda NIRA oo in ka badan 38,000 oo qof oo Barakacayaal ah siisay kaarka aqoonsiga qaranka

Hay’adda NIRA ayaa kaarka aqoonsiga qaranka waxa ay gaarsiisay xeryaha Barakacayaasha ee ku yaalla Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel-gaar u ah Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed halkaas oo ay ku nool yihiin dadka ka barakacay xaaladaha adag ee soo wajahay.

NIRA ayaa muddo bil ah wadday howshaan si loo gaaro kaydinta xogta dadka Barakacayaasha ah oo lagu qiyaasayo in ay gaarayaan 3.5 Milyan oo ruux , waxaana howshaan lagu fuliyay lacag aad u hoosaysa waana in ka yar hal doollar qofkiiba sida warbixinta lagu xusay.

Tallaabadaan waxa ay la jaanqaadaysaa go’aankii Xukuumadda Federaalka oo ahaa in 32 sano kaddib la helo aqoonsi midaysan oo muwaadin weliba xogtiisa la keydiiyo isla markaana la siiyo kaarkiisa aqoonsiga sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre September 2023.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka bixisa ee NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ayaa sheegay in hannaan casri ah lagu bixiyo kaarkaan sida habka teleefannada lagu diiwaangeliyo Dadka iyo kuwa qalabka xafiisyada yaalla ay fududeeyeen diiwaangalinta dadka.

Waxa uu intaas ku daray in yoolka Hay’adda NIRA uu yahay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka la siiyo guud ahaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed si qof weliba uu u noqdo ruux kaarkaas haysta oo xogtiisa diiwaanka ku jira.

Soomaaliya waxaa howsha diiwaangelinta dadka ka gacansiinaya Qaramada Midoobay iyo dalal kale, waxaana tallaabada dadka barakacayaasha ah lagu diiwaangeliyay soo dhaweeyay Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin.

Hay’adda NIRA ayaa xustay in qaadasha kaarkaan uu muhiim u yahay Bulshada, dadka qaadanaya Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ku sugan Gobollada Dalka waxa ay bixiyaan lacag $5 Doollar balse Barakacayaasha ayaa qiimo intaas ka yar lagu siiyay sida Warbixinta ka muuqata.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

9 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

10 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

10 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago