Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa soo saartay degniino ku aadan in fatahaad qasaaro geysata uu wabiga shabelle ka sameeyo Magaalada Baladweyne iyo deeganada ku xeeran.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in Roobab ka da’ay Buuraleyda Itoobiya ay sababeen sare u kac ku yimid heerka Biyaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba taas oo sare u qaaday cabsida laga qabo in ay sameeyaan fatahaado.
Warka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in heerka Wabiga Degmooyinka Beledweyne iyo Jawhar oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uuna mara Wabiga Shabeelle ay isbuucyadii la soo dhaafay kor u kacay in ka badan 2.5 Meter, taas oo sababi karta fatahaad.
“Inta lagu guda jira 96-da Saacadood [Afar maalmood] ee soo socota ayaa waxaa suurta gal ah in qeybo ka mid ah Degmada Beledweyne ka dhacaan fatahaado, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nolosha iyo hab nololeedka Bulshooyinka ku nool deegaannada hoos yimaada Beledweyne,” sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.
Ugu damebyn Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in Hay’adda ay digniin aad u sareyso u direyso bulshada ku dhaqan hareeraha Wabiyada iyo togoga biyo mareenka ah taas oo ah in ay qaadaan tallaabooyinka muhiimka ah bad-baadada naftooda iyo hantidoodaba.
Mustaqbal
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya…
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka maanta u gudbisay nidaamka aasaaska u ah dhismaha Hay’ad…
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkii saakay waqti…
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo…
Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dareemaya culays Amni…