GUDAHA/wararka

DFS oo shaqo ku abaalmarisay Hooyada Ardayga kaalinka 1-aad ka galay Imtixaanka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo sannadkan kaalinta koowaad ka galay Imtixaankii Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay Hooyo Safiya, dalaalka iyo halganka ay u gashay barbaarinta wiilkeeda, isaga oo ku tilmaamay in ay kaalinta kowaad u gashay Hooyooyinka Soomaaliyeed, halka wiilkeedu uu kaalinta kowaad u galay ardayda Soomaaliyeed, taasi oo ku timid juhdiga hooyo Safiya iyo dadaalka ay galisay waxbarashadiisa.

“Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in dadaalka iyo waxbaridda carruurta ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda Soomaaliya, taasi oo la doonayo in dadkeenna ay gaaraan isbeddel ku salaysan aqoonta iyo xirfadaha la barayo dhallinyarada Soomaaliyeed,” sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha.

“Haddii tartan la galo in la guuleysto wax sahlan maha, runtii wax aad halkaas ku gaartay dadaalka iyo halganka aad muujisay iyo barbaarinta Hooyo Safiya, waxa aan hubaa in dad badan oo kaa fursad badan maanta aad kaalinta kowaad uga horeysay taasi waxa ay cadeynasa sida ay waalidku u dadallaan ubadka,” si uu yiriRa’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, waxa uu Hooyo Safiya ku abaalmariyey kaalinta qiimaha badan ee Hooyonnimo shaqaale rasmi ah oo dowladda, halka wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo kaalinta kowaad ka galay Imtixaanka Qaranka lagu abaalmariyay waxbarasho ay daboolayso dowladda Soomaaliya, iyada oo loo diray halka uu codsado.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Sanbaloolshe “In Shabaab lala safto ma ahan siyaasad mucaaradnimo.”

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)…

2 hours ago

Baarlamaanka Soomaaliya oo loo gudbiyay nidaamka lagu dhisayo Hay’ad u xilsaaran Dakhliga Dalka

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka maanta u gudbisay nidaamka aasaaska u ah dhismaha Hay’ad…

6 hours ago

DFS oo sheegtay in dagaalka Baydhabo lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo katirsan AS

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkii saakay waqti…

7 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta lagu soo dhaweynayo Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo…

8 hours ago

Maamulka Aadan Madoobe oo dareemaya culays Amni

Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dareemaya culays Amni…

9 hours ago

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo guullo ka sheegtay dagaal ka dhacay Baydhabo

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay waqti hore…

9 hours ago