GUDAHA/wararka

Hay’adda IOM oo ka digtay halista tahriibayaasha isaga kala gudba Soomaaliya & Yemen

Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan loona soo gaabiyo ee IOM ayaa ka digtay halista nafeed ay la kulmayaan dadka isaga kala gudba Biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen ee sida tahriibka ah raba in ay ugu sii gudbaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

IOM ayaa sheegtay in dadka qaar ay u dhinteen baahi (Cunno la’aan) sabab la xiriirta safarkooda oo waqti badan qaatay, badda oo kacsan iyo sahayda ay wateen oo markii hore aad u yarayd sida ay hadalka u dhigtay Hay’addu.

“Todobo ruux oo Itoobiyaan ah ayaa gaajo u geeriyootay” sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, waxaa intaas lagu sii daray “Badbaadin iyo kahortag ayay u baahan yihiin tahriibayaashaan oo naftooda halis galinaya”.

Talaadadii waxaa Koofurta Yemen gaar ahaan Arqah gaartay Doon ay la socdeen 250 ruux oo 82 kamid ah ay yihiin Carruur kuwaas oo ka safray Magaalada Boosaaso Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland, waxa ay u badnaayeen Itoobiyaan.

Sanadkaan 2025 waxaa biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen ku dhintay in ka badan 350 ruux oo tahriibayaal ah, waxaa lasoo badbaadiyay qaar kamid ah dadkii la socday kuwa geeriyootay sida ay sheegtay Hay’adda IOM.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

17 hours ago