Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo Kenya ka dalbatay dhameystirka darbiga Sohdinta Somaliya

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha U doodda ee HAKI Africa ayaa waxaa ay dowladda Kenya ka dalbatay in si deg deg ah loo dhameystiro dhismaha Darbiga u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ee ay Dowladda Kenya billowday.

Agaasimaha Hay’adda HAKI Afrika, Xuseen Khaalid,ayaa ku dooday in dhameystirka dhismaha Darbiga uu waxbadan ka qaban karo hoos u dhigidda weerarrada Al-shabaab ee gudaha Dalka Kenya ka dhaca.

Xuseen waxaa uu sheegay in marka la dhameystiro dhismaha darbiga ay fududaan doonto in Ciidamada amaanka ay arkaan xubnaha AL-shabaab ee dhinaca Soomaaliya ka gudbaya islamarkaana weerarrada ka geysanaya dhinaca gudaha Dalka Kenya.

Waxaa kale oo uu xusay in sidoo kale dhameystirka darbiga ay waxbadan ka qaban karto xagjireynta iyo in Dadka Al-shabaab u qaabilsan qoridda dhallinyarada ay fursad u helaan arrintaas.

Xuseen waxaa uu sheegay in haddii dowladda dhexe ee Kenya aysan dhameystirin Darbigaas Mashruuca uu noqonayo mid fashilmay sababatana ay tahay in wali gudaha Kenya ay ku dhimanayaan dad Kenyaan ah oo ay AL-shabaab dilayaan.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii 2015kii billowday dhismaha Darbi u dhaxeeya Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya,kaas oo gaaraya 700km,hayeeshee dhowr jeer dhaqaale la’aan loo hakiyay.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

55 seconds ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

20 hours ago