GUDAHA/wararka

Hantidhowraha guud ee JFS oo ka qaybgalay Madasha 3aad ee Horumarinta Daahfurnaanta & la dagaalanka Musuqa ee Dowladaha Carabta

Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Qaahira xarunta Dalka Masar uga qaybgalay Madasha 3aad ee horumarinta daahfurnaanta iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Dowladaha Carabta.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay saraakiil sare oo ka kala socotay hay’ado Caalami ah iyo Dalal, waxaa wehliyay Khubarro ku xeel-dheer dowlad wanaagga iyo la dagaalanka musuqa si ay isaga isaga kaashadaan dhaqangelinta ajandaha shirkaan.

Madasha ayaa bidhaamisay kaalinta teknolojiyadda iyo dhijitaalka ee ku aaddan xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta la xiriirta dejinta siyaasado ama qorshooyin dadweyne oo wax weyn ku kordhiya dowladnimada sida hadalka loo dhigay.

Dalalka Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa is weydaarsanaya waaya-aragnimadooda iyo dhaqamada maamul wanaagga sida looga hortago musuqmaasuqa loona gaaro yoolka laga leeyahay shirkaan sida lagu sheegay warka kasoo baxay gunaanadkiisa.

Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Axmed Guutaale oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay billowday dhijitaaleynta isla-xisaabtanka, iyada oo laga faa’iideysanayo teknoloojiyadda. Waxa uu xoojiyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Carabta ay iska kaashadaan horumarinta hufnaanta iyo kobcinta kalsoonida dadweynaha.

Madashan Saddexaad ee Dowladaha Carabta waa fadhi ay Dowladaha Carabtu isku weydaarsadaan waaya-aragnimadooda ayna ku horumariyaan hal-abuurka ah in xal dhijitaaleysan loo helo isla-xisaabtanka, si loo adkeeyo dowladnimada.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

17 hours ago