Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five iyo Saraakiil uu hogaaminayay.
Madaxweynaha ayaa Taliyaha Secter Five ee Ciidamada ATMIS General Ndizigiye kala hadlay “sugida amniga iyo dardargalinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.” Sida lagu yiri qoraal lagu daabacay Madaxtooyada Hirshabeelle.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five iyo Saraakiil uu hogaaminayay uga mahad celiyay kaalinta ay ku leeyihiin dib u xoreenta Goballada Hiiraan iyo Shebeellaha Dhexe oo uu maamulkaas gacanta ku haya.
Ciidanka Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee hadda loo soo gaabsho ATMIS kuwooda Dowladda Jabuuti ayaa kaalin weyn ka qaatay la dagaallanka Al-shabaab gaar ahaan Gobalka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…