GUDAHA/wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa diiradda waxa ay ku saareen “xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.” Sida lagu yiri qoraal lagu daabacay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelshay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan, booqashada uu ugu yimid Xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa waxa kulamo uu la yeeshay Madax kala duwan, isaga oo Safiirrada Soomaaliya u fadhiya waddamada Caalamka kala hadlay xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Dowladda Federaalka, xilli laga sugayo ku dhawaaqista Golaha Wasiirada.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

18 mins ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

38 mins ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

2 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

3 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

17 hours ago