WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Gudoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xil. Caateeye.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday kaga tacsiyadeeyay Geeridii ku Timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateye oo ku geeriyooday Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanku mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanaayay dalka Jabuuti, hayeeshee arbacadii uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Jabuuti ee Caasimada dalkaasi.

“Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye mudooyinkii dambe ayuu ku xanuunsanaa Dalka Jabuuti waxa uuna ku geeriyooday Dalkaasi jabuuti” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha shacabka.

“ Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayuu ka tirsanaa rabi naxriistii jano haka waraabiyo Anaga iyo ehelkiisana samir iyo iimaan illaahey ha inaga wada siiyo” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu kaga tacsiyeeyay ehelka Xildhibaanka, Mudanayaashii ay kawada tirsanayeen Golaha Shacabka iyo dhammaan Soomaalida.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay xildhibaan Cabdirahman Maxamuud Caateeye. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, eheladiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Xildhibaan Caateeye oo ka mid ahaa golaha shacabka ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi jabuuti.

MM Staff

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

5 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

6 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

6 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

8 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

8 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

10 hours ago