GUDAHA/wararka

Bandow lagu soo rogay Mandheera si looga hortago Coronavirus.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya ayaa mamnuucday isu socodka iyo ka bixida Gobolka Soomaalidu degto ee Mandheera si loo xakameeyo faafitaanka sii kordhaya ee xanuunka ‘Covid-19’.

Wasiirka Amniga Gudaha kenya Fred Matiang’i ayaa soo saaray amarkan Arbacadii, isagoo xusay in ay kordheen dadka uu soo ridanayo xanuunka dillaaga ah ee Coronavirus.

Laga soo bilaabo Abriil 22, gobolka Mandheera ee uu xukumo Mr Cali Rooba ayaa laga helay sideed kiis oo la xaqiijiyey in ay qabaan xanuunka coronavirus.

Intaa waxaa sii dheer, in Kenya ku dhawaaqay Arbacadii in tirada kiisasku gaareen 303, Xoghayaha Golaha Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dadka qaar ay ka baxsadeen xarumaha karantiil ee gobolka.

Matiang’i ayaa sheegay in joojinta amarrada dhaqdhaqaaqa ay dhaqan-gal tahay 7-da fiidnimo Arbacada ayna socon doonto 21 maalmood sida uu warbaahinta u sheegay Arbacadii.

Dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay go’aanka, iyaga oo ka cabsi qaba saamaynta ka dhala karta faafitaanka Xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Mandhera ayaa ka mid noqotay shanta gobol ee lagu soo rogay bandowga si loo xakameeyo xanuunka, waxaana horay bandowga loogu soo rogay goboladda Nairobi, Mombasa, Kilifi iyo Kwale oo dhamaantood laga diiwaan galiyay kiisas la xariira Coronavirus.

MM Staff

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

4 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

5 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

5 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

7 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

7 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

9 hours ago