Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Banaadir, ayaa digniin culus u diray dadka baraha bulshada u cadaalad doonta, Iyadoo kiisaskooda ay gacanta ku hayaan maxkamadaha garsoorka.
Abshir Cumar C/llaahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo uu dhinac fadhiyay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in cidii arintaasi lagu helo Ciqaab lagu soo oogi doono, si wax looga weydiiyo sababta uu ka lahaa in Sumcad dil uu ku sameeyo hay’adaha Garsoorka dalka.
Dadka baraha Bulshada soo dhigo Kiisaskooda ay geeyeen Garsoorka, ayuu tilmaamay in meel la iska dhigi doono Ga dacwadeedkooda, maadaama ay ku kaceen fal wax u dhimaya sumcada Garsoorka.
Si kastaba, todobaadyadii u danbeeyay ayaa waxaa baraha Bulshada qabsaday Kiisas la xiriira in dad sheegtay iney wax cadaalad ah ka heli waayeen Hoggaanka Garsoorka dalka kiisaskooda si fudu loogu xaliyay markii ay ku soo bandhigeen baraha bulshada gaar ahaa Facebook.
Halkan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir:
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…