Categories: GUDAHA/wararkaKGS

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Difaaca Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta sharciga xaqsiinta ciidamada qalabka sida, furitaanka wadada leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo qodobo kale.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhameystirka sharciyada ay diyaarinayaan guddiga iyo barnaamijyada aqoon kororsiga ah oo ay guddiga u aadayaan dibadda.

Xubnaha guddiga ayaa guddoomiyaha ugu warbixiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay oo ay qabteen iyo qorshaha guddiga ee bilaha soo socda.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddiga difaaca kaga mahad celiyay howlaha wanaagsan oo ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo furista wadooyinka Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan wadada leego.

“Runtii shaqo wanaagsan ayaa qabateen waana idiin kaga mahad celinaya warbixinta tifaftiran ee aad isoo gudbiseen, waa muhiim in si deg deg ah loogu shaqeeyo sharciga xaqsiinta ciidamada iyo inan joogteyno kulamada aan yeelaneyno ”. ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal iyo guddiga difaaca ayaa isku raacay in la bilaabo, lana xoojiyo kulamada aqoon kororsiga ah si shaqooyinka guddiga loo hormariyo.

Mustaqbal media

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

3 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

3 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

5 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

8 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

9 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

9 hours ago