Guddoomiyaha Baarlamaanka DDSI oo sheegay in aysan ka warheyn xaaladda Cabdi Maxamuud Cumar

Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya wararka naga soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay la wareegeen TV-ga Maamulka iyo Xarun lagu magacaabo Qaryaan Dhoodaan iyo meelo kale oo xarumaha Maamulka ah.

Maxamed Rashiid Isaaq,Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Milatariga Federaalka Itoobiya ay la wareegeen Xarumaha Maamulka sidoo kalena aysan garaneyn Sababta,waxaa kale oo uu sheegay in aysan ogeyn xaaladda uu ku suganyahay Madaxweynaha dowlad Degaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Qof degaanka ayaa xaaladda saaka ee Jigjiga ku sifeeyay Afgambi Milatariga Federaalka Itoobiya ku sameeyeen Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Warar saacadigii hore ay qoreen Warbaahinta Itoobiya ayaa lagu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu Ciidamada Liyuu Booliska u diray magaalada Dirir-dhaba oo uu ka furmi lahaa shir isaga ka dhan ah islamarkaana looga hadlayay aayaha Dowlad Degaanka.

Dowladda Federaalka ah ayaa Cabdi Maxamuud Cumar ugu yeertay Adis ababa,waana uu diiday,taas oo sababtay in Ciidamo Milatari ah la wareegaan Xarumaha Maamulka.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago