GUDAHA/wararka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay tirada dadka codeynaya doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka, Cabdikariim Axmed, ayaa shaaciyay tirada guud ee muwaadiniinta qaatay kaararka codeynta doorashada Khamiista ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in inkastoo ku dhawaad hal milyan oo qof ay isku diiwaan geliyeen ka qaybgalka doorashada, haddana 503,916 muwaadin oo keliya ay qaateen kaararka codeynta, kuwaas oo noqday dadka rasmiga ah ee xaqa u leh in ay codeeyaan.

Cabdikariim Axmed ayaa xusay in muwaadiniinta qaatay kaararka codeynta oo keliya ay ka qayb qaadan karaan doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa gobolka Banaadir, isaga oo adkeeyay in aan la oggolaan doonin in ay codeeyaan dad aan haysan kaarka rasmiga ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Muqdisho in ay si nabad ah, xilkasnimo leh, kana fogaadaan qalalaase u gutaan waajibaadkooda doorasho, si ay doorashadu ugu dhacdo jawi deggen oo hufan.

Ugu dambeyn, Cabdikariim Axmed ayaa sheegay in guddigu dhammeystiray dhammaan diyaar garowgii farsamo iyo amni ee lagu xaqiijin lahaa in doorashada berri ka dhaceysa gobolka Banaadir ay u qabsoonto si cadaalad ah oo hufan.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

4 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

9 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

10 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

10 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago