Guddiga difaaca Baarlamaanka Kenya oo sheegay in shacabku doonayaan in Ciidankooda laga saaro Somaliya

Guddiga difacaa iyo arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya oo todobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in ay ra’yi ururin ku sameeyeen Dadka degaanka.

Guddiga waxaa uu ku sheegay kulamo uu la qaatay Shacabka in ay uga soo baxday in dadka degaanka ay ku qanacsanyihiin darbiga laga dhisayo Sohdinta Kenya.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Dadka degaanka ay doonayaan in Ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya islamarkaana lagu ekeeyo sohdinta si ay u sugaan amnigooda.

Guddoomiyaha Guddiga difaaca iyo xiriirka arrimaha dibadda Katoo ole Mitito,ayaa sidoo kale sheegay in shacabka ay dowladda dhexe weydiisteen magdhow laga siiyo khasaaraha ka soo gaaray weerarrada AL-shabaab ee ka dhaca Gobolka.

Kenya ayaa tan iyo 2015kii wadday dhismaha Darbi u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya,kaas oo mar halis geliyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal kaddib markii qolada darbiga dhiseysa ay gudaha Soomaaliya soo galeen.

Sidoo kale Dhismaha Darbigan ayaa dhowr jeer hakad u galay dhaqaale la’aan iyo musuq lagu sameeyay miisaaniyaddii loogu talagalay.

Darbigan oo 700km gaaraya ayey Kenya ku sheegtay in ay ku dooneyso in ay ku hakiso weerarrada AL-shabaab ee Gudaha Kenya ka dhacan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

2 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

2 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

2 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

4 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

6 hours ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

22 hours ago