GUDAHA/wararka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada

Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada uu shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta lagu ansxiyey hindise sharciyeedyo ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri, “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay kulanka ayaa lagu sii yiri, “Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiiska caalamiga ah ee  da’da ugu yar ee shaqada iyo heshiis is-afgarad ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq.”

Hindise sharciyeedyadaan maanta ay meelmariyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa maalmaha soo socda in la horgeeyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya si ay u meelmariyaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

3 hours ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

3 hours ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

3 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

4 hours ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

5 hours ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

5 hours ago