Shirka Golaha Wasiiradda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ka qabsoomay magaalada Muqdisho, iyadoo looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dagaalka AS iyo Amniga.
Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamse ayaa waxaa lagu ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026, kaasi oo ay hor geysay Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Golaha ayaa meelmariyay Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka iyo Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.
Golaha ayaa Warbixinno ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Difaaca dalka, iyagoo ka warbixiyay dagaalka AS iyo howlgallada ka socda gobollada dalka.
Xeerka iyo heshiisyada ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda ayaa la qorsheyna in la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, si ay u meelmariyaan.
Mustaqbal
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…