GUDAHA/wararka

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Doorashada Guddoomiye & labadiisa Ku xigeen

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa ee Golaha Wakiillada Maamulkaas iyada saddexdaas xil ay u tartamayaan afar musharrax.

Sida uu shaaciyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galudug waxaa ku tartamaya labo musharrax oo ka kala socda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka JSP & Ururka SINCAD.

Labada ku xigeen ee Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa loo diiwaangeliyay min musharrax oo ma jiraan dad kula tartamaya waxaana ay ka socdaan Xisbiga helay Kuraasta ugu badan ee Golahaas ee Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP.

Galmudug ayaa maanta yeelanaya Guddoomiyihii 6aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas, waxaana marka doorashadu dhacdo kaddib loo gudbi doonnaa qaban-qaabinta Doorashada Hoggaamiyaha iyo ku xigeenka Maamulkaas.

Halkaan ka aqriso Musharrixiinta uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka:

La soco natiijada kasoo baxda

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay ka dhigan tahay in Hay’adda NISA ay saraakiisheeda ka mamnuucdo kasoo muuqashada Baraha Bulshada?

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qaadday tallaabooyin ka dhan ah Saraakiisha…

34 mins ago

Maxaa kasoo baxay doodda dhexmartay labada musharrax ee u taagan Xilka Madaxweynaha Brazil?

Dalka Brazil waxaa ka dhacday Dooddii in muddo ah la sugayay ee u dhaxeysay Madaxweynaha…

41 mins ago

Guddoomiye Jaamac oo XFS faray in ay Ciidanka Itoobiya kala xisaabtanto sababta loo qabsaday Magaalooyinka ay joogaan ciidankaas

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kulan la qaatay Xildhibaannada,…

2 hours ago

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay dagaal dib ay ugu qabsanayaan deegaannada gacantooda ka baxay

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo markii ugu horraysay ka hadlay…

3 hours ago

Obama oo difaacay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo cadaadis uu ku hayo Trump

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Brack Obama ayaa soo saarey qoraal uu ku difaacay Xildhibaan Ilhaan…

17 hours ago

Masar oo ku baaqday in la ixtiraamo Madaxbannaanida Soomaaliya

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlay hirgalinta qoddobadii ka soo baxay Shirkii afar…

18 hours ago