Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi gaar ah ka yeelanaya cusboonaysiinta howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo waqti ahaan ku siman dhammaadka sanadkaan waa 31ka December 2025.
Howlgalkaan ayaa wajahaya dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah kaddib markii maalgalinta dalalkii bixin jiray ay joojiyeen halka qaar kale ay hoos u dhigeen, waxaa socda dedaallo lagu doonayo dalalkaas lagu weydiiyo kaalmo lacageed.
Dhinaca kale, isla fadhiga Golaha Ammaanka waxaa looga doodayaa qaraarka tirsigiisu yahay 2713 ee ka dhanka ah ‘AS’ isla markaana lagula soconayo xayiraadda Badda si aanay ‘AS’ wax uga degin, waqti ahaan waxa uu ku siman yahay 13ka Bishaan.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa rajo xumo ka muujiyay haddii Xafiisyadaan iyo qaraaraddaan isku sidkan ay waayaan taageero caalami ah maadaama sanado badan ay ku howlanayeen la dagaalanka ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.
Sidoo kale waxa uu Golaha Ammaanka dhagaysan doonnaa warbixin la xiriirta wakiilladiisa Soomaaliya si ay ula wadaagaan waxyaabaha qabsoomay, muhiimadda ay leedahay muddo kordhinta iyo caqabadaha dhaqaale ee horyaalla AUSSOM.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…