Haweeynaydaan u dhalatay dadlka jarmalka ayaa jeclaatay wiil dhalinyaro ah oo qaxooti ku jooga wadanjaas waxa ayna ku weysay shaqadeedii iyo caruurteedii.
Waxaa qabsaday Baraha Bulshada ee dalka Jarmalka qisada haweeney Jarmala ah oo jeceyl u qaaday wiil dhalinyaro ah qaxooti ahaan u joogay wadankaas.
Haweeneyda u dhalatay dalka Jarmalka waa 45 sano jir halka wiilka dhalinyarada ahna oo ay jeclaatay uu yahey 24 sano jir, Haweeneyda jarmalka ah ayaa da,ahaan ka weyn wiilka dhalinyaradaha ah 21 sano
Haweeneyda ayaa ku weysay jaceylka dhexmarey wiilka dhalinyarada ah iyo iyada waxyaabo badan oo ey horey u heysatay sida shaqadeedii iyo caruurtii ay dhashey.
Wiilkaan qaxootiga ah oo u dhashay dalka Tuunis ayaa waxa ay isbarteen haweyneydan oo horey u dhashay laba wiil oo dhalinyaro ah oo 24 iyo 25 sano jiro kala ahaa, waxa ayna ka shaqeyneysay xero qaxooti oo ey isku barteen wiilkaan dhalinyarada qaxoitiga ah.
Haweeneydan ayaa sheektay iney aad ula dhacday dhoola cadeynta iyo qaab qosolka wiilka yar iyo sidoo kale indhihiisa soo jiidashada leh oo uu kaga duwan yahay dhamaan dadka ku jirey xerada qaxootiga ey ka shaqeyneysay.
Islaantaan ayaa shaqadeedii looga cayriyay sababo la.xariira sharci dhigaya in dadka ka shaqeeya xeryaha qaxootiga aaney xariir la yeelan karin dadka qaxootiga ah.
Waxa ayna shaqada ay weysay u sii dheeraa in wiilasheedii ay xariirka u jareen oo ay xittaaa booliska ku dacweeyeen una sheegeen in ay jeclaatay wiil qaxooti ah.
Wiilka qaxootiga ah ayaa isaguna wajahaya waayitaanka baasaboorka jarmalka madaama uu qaxooti yahay.
Isha TunisOnline.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…