GUDAHA/wararka

Galmudug & KG oo bilaabay diiwaan galinta codbixiyayaasha doorashooyinka golaha deegaanka

Madaxwaynaaasha maamuladda Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ku daah-furay Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta deegaannada maamuladaas.

Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ka qayb-galay daah-furay Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta doorashooyinka Deegaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Madaxwaynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa shacabka kula dardaarmay inay is Diiwan-Geliyaan, si ay u doortaan Maamul ay kula xisaabtamaan horumarinta deegaannadooda.

Hanaanka Doorashooyinka Qof iyo Codka ayaa lagu rajo waynyahay in dhamaan wadanka laga hirgaliyo iyadoo marka hore hanaankan lagu dabaqaayo doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Gobolka Banaadir ayaa horay u bilaabay is diiwaangalinta Doorashiiyinka golayaasha deegaanka iyadoo la filaayo in maamuladda Hir-shabeelle iyo SSC-khaatimo ay mardhow ka bilaabato isdiwaan-galintu.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaan la ogayn sida uu uga dhaqan gali karo hanaankan doorasho xilli madaxwaynyaasha maamuladaas, warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen todobaadkii hore ku soo dhaweeyeen in la qabta doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka iyadoo lagu dabaqaayo hanaanka doorasho ee qof iyo cod.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

57 mins ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

3 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

15 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

17 hours ago