Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixatay xiddigeeda weerarka uga ciyaara ee Gabriel Jesus kaas oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo 2 sano ah kana dhigaya heshiiskiisa mid dhacay 2023.
Warkan ayaa farxad u ah tababare Pep Guardiola kadib markii uu xiddiga 21 jirka ah ee reer Brazil dalbaday in hakad la galiyo wadahadalada ka hor koobkii adduunka.
Laakiin Jesus ayaa haatan mustaqbalkiisa u hibeeyay Man city isaga oo heshiiskiisa uu kooxda difaacanaysa horyaalka ka dhigay shan sano.
Jesus ayaa fure u ahaa kooxdii Man city ee xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay horyaalka premier league iyo League cup-ka isaga oo dhaliyay 17 gool.
Xiddiga reer Brazil ayaa todobaadkan ka soo laabtay fasaxii koobka adduunka isaga oo tababarka kula soo biiray Sergio Aguero xilli ay kooxda Guardiola isku diyaarinayso kulanka Community Shield ee ay la ciyaari doonaan Chelsea.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…