WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Farmaajo oo qaaday talaabo lagu burburinayo heshiiskii 17 Sebtember 2021.

Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay talaabada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ugu codeeyay in muddo aan ka badnayn laba sano ay xilka sii haynayaan hay’adaha dawladda si doorasho toos ah dalka looga qabto.

Farmaajo ayaa sheegay in talaabadaan golaha shacabku qaaday ka dib markii Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Faderaalka ku guuldareysteen in ay taageeraan hirgelinta heshiiskii ugu horreeyay ee Sebtember 17, 2020 sida lagu sheegay bayaan lagu faafiyay baraha bulshada oo u muuqday mid horay loo sii diyaariyay.

Halkaan ka aqri qoraalka Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

MM Editor

Recent Posts

XFS oo soo dhoweysay jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha…

6 hours ago

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka rasmiga ah ee qabsoomidda doorashooyinka…

12 hours ago

Turkiga oo Diyaarado casri ah ka iibinaya dalka Spain

Turkiga ayaa la qorsheynayaa inuu dalka Spain ka iibiyo 15 Diyaaradaha Hurjet oo ah nuuca…

13 hours ago

Wararkii u dambeeyay Xaaladda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay?

Xaaladda magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa maanta kacsan, ka dib markii halkaasi ay weerar…

14 hours ago

Trump oo sheegay in la toogto dadka xogaha sirta ah u gudbiya Warbaahinta

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dadka xogaha sirta ah u gudbiya warbaahinta ay…

16 hours ago

Dagaal ka socda magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka…

17 hours ago