Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo iyo weerar ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla Degmada Shangaani ee Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in koox hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku dhow taliska qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.
Kooxda weerarka ku qaadday dhismaha ayaa la sheegayaa in ay ka koobanyihiin 4 ilaa 5 qof,kuwaas oo goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in ay wataan dharka Ciidanka Booliska sidoo kalena ka dageen gaariga 2aad ee qarxay.
Gurmad ayaa wali socda iyada oo rasaas laga maqlayo dhismaha Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ay isku meel ku yaallaan Wasaaradda howlaha guud.
La soco wixii soo kordha.
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…