GUDAHA/wararka

Faah-faahin laga helayo khasaaraha ka dhashay Qaraxyo lala eegtay AMISOM oo Shacab ku dhinteen.

Wararka Mustaqbal ay ka heleyso Ex Control Balcad waxa ay sheegayaan in ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM lagu qarxiyay, waxaana ciidankaan wararku ay intaa ku darayaan in ay ka yimaadeen Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal u sheegay in labo qarax ay maqleen iyo rasaas xigtay oo ay ridayeen Ciidamada AMISOM, waxaana waxyeelo ka gaartay mid kamid ah Gawaaridii ay wateen.

Goobjooge ayaa ku warramay in labo qof oo shacab ahaa isla markaana saarnaa gaari Caasi ah meydkooda lagu arkay Ex control Balcad oo lagu qarxiyay Ciidamada Burundi ee ka socda howlgalka AMISOM.

Waxaa la xiray goobaha Ganacsiga ee ka dhaw halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana istaagay isku socodka gaadiidka oo marin muhiim ahaa Isgoyska Ex Control Balcad.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta tagay ayaa sameeyay baaritaanno ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM.

MM Editor

Recent Posts

Qoys Kenyaan ah oo Ruushka ka dalbaday in uu kusoo wareejiyo Wiilkooda oo ku dhintay Dagaalka Ukraine

Qoyska Matiabe Onchari oo ah 38 jir kasoo jeeda Tuulada Nyamondo, deegaanka Koofurta Mugirango ee…

2 hours ago

QM oo baaraysa shaqaale katirsan oo ku dhintay Xabsiyada Xuutiyiinta

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi…

3 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa dib u daabicista lacagta Shilinka Soomaaliga kaddib 36 sano

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib…

19 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in 31 sano ka dib la soo gaba gabeeyo Xafiiska QM ee Arrimaha Siyaasadda?

Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee…

22 hours ago

Turkiga oo sheegay in uu Soomaaliya ka caawinayo Amniga Badda

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka waacinayso adkaynta Amniga Badda si looga hortago…

24 hours ago

Muddo sharciyeedka Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku siman

Waxaa maanta ku siman muddo sharciyeedka Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo…

1 day ago