Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay xalay duqeyn ka geysteen diyaarado dagaal.
Duqeynta ayaa ka dhacday xaafado kala duwan oo ka tirsan degaanka Ceelcadde,iyada oo ilaa hadda aan la sheegin khasaaraha nafeed ee ka dhashay.
Ilo ku dhow dadka degaanka ayaa sheegaya in duqeynta ay billaabatay fiidkii hore ee xalay muddo ku dhow dhowr saacadoodna ka socotay degaankaas.
Khasaaraha ugu badan ee ilaa hadda la soo wariyay ayaa lagu sheegay dhaawacyo iyo guryo bur buray,waxaana xaafadda la duqeeyay lagu magacaabaa Qansax Oomane oo ka tirsan degaanka Ceel Cadde.
Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka xalay lagu qaaday degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.
Duqeymihii ugu dambeeyay waxaa ay ka dhaceen degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose,waxaana labadaba sheegtay Mareykanka.
Todobaadyadii la soo dhaafay duqeymo ka dhacay meelo kala duwan uu u badan Koofurta Soomaaliya waxaa sheeganayay Mareykanka hayeeshee weerarka ka dhacay Gobolka Gedo ilaa hadda lama xaqiijin in uu Mareykanka geystay ama dowladda Kenya geysatay.
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…