Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xarrig jaray Waddada Soobe oo ku burburtay roobabkii xoogganaa ee Caasimadda ka da’ay.
Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hodan iyo Wadajir ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa munaasabadda xarrig jarka maadaama waddadaan ay dhexmarto labadaan degmo isla markaana marin muhiim u ah isu socodka Gaadiidka.
“Waddadan maanta aan xarigga ka jarayno waxa lagu saleeyay qorshe casri ah oo aan ku xaqiijinayno in marinnada bullaacadaha ay si toos ah ugu shubmaan badda, isla markaana la diyaariyay marinno loogu talagalay xarkaha korontada iyo tubooyinka biyaha, Arrintaan waxa ay muujinaysaa sida aan hor-tebinta u siinnay in aan tayada iyo waaridda adeeggan hormuud uga dhigno shaqadeena” Ayuu yiri Duqa Muqdisho, Xasan Muungaab.
Dhismaha waddadaan ayaa saamayn taban ku reebtay isu socodka Gaadiidka Degmooyinka Hodan iyo Wadajir, halka dhinac ee ka furnayd oo ay isaga hor imaanayeen Gawaarida waxaa ka dhalanayay Saxmad sababi karta in waqti badan uu dadka halkaas uga dhumo.
Muqdisho waxaa dib u dhis lagu wadaa qaar kamid ah waddooyinkii ku burburay roobkii xooggaa, qayb kamid ah waala soo gabagabeeyay halka qaar kale weli ay dhiman yihiin, Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegtay in ay dib u dhisayso waddooyinkaas burbursan.
Mustaqbal
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…
Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…