Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirkeedii Switzerland.

Dowladda Somaliya ayaa u yeertay Safiirkeeda u fadhiya Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kadib markii warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya.

Safiirka loo yeeray ayaa waxaa lagu magacaabaa  Faadumo Cabdullaahi Maxamuud, waxa ayna haysataa Muddo hal isbuuc ah in ay dalka ku soo gasho.

Sababta loogu yeeray Safiirka ayaa waxa ay tahay sababta ay uga aamustay codeynta ku aadaneyd diidmada Aqoonsiga uu Mareykanka aqoonsaday in dhulka buuraha Golan ay tahay dhul Yuhuuda leedahay.

Dalalka u codeeyay in Israil ay xoog ku heysato buuraha Golan ayaa waxaa ka mid ah: Australia, Austria, Brazil, Bulgaria, Croatia, the Czech Republic, Denmark, Hungary, Iceland, Italy, Japan, Slovakia, Spain, Togo, Ukraine iyo UK.

Shan dal oo kale ayaa ka aamusay kuwaasi oo kala ah : Cameroon, Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Soomaaliya.

MM Staff

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

1 hour ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago