Dowladda Federaalka oo Ciidamo geysay Deegaanada ay ka baxayaan Askarta Burundi

Sida Mustaqbal  Radio ay u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan  Dowladda Federaalka ayaa sheegay in dowladda Ciidamo geysay Deegaano katirsan Hir-Shabeelle.

Ujeedka ayaa ah in ay sugaan ammaanka, isla markaana ay buuxiyaan booska ay baneynayaan 1,000 askari oo katirsan Ciidamada AMISOM ee 28-ka bishaan la saarayo, Maamulka Hirshabeelle.

Askartaan ayaa la shaqeynaya  Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Xeryaha Ciidamada, si aan loo dareemin culeyska askarta baxeysa.

Saraakiisha la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Ciidamadaan loogu talagalay in la kala geeyo deegaanada laga kala qaadayo Askarta sida Cadale, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali.

Taliska ugu weyn ee Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM oo ku yaalla Magaalada Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kulan ku lahaa saraakiil ka socota AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya.

Waxa ay diiradda kuwada saareen sidii loo xakameyn lahaa baahida Ciidamada kunka askari ah ee katirsan Ciidamada Militariga ah ee ku howlgala Magaca AMISOM.

28-ka bishaan ayaa la saarayaa Ciidamada AMISOM, waxaana jiray dadaalo kala duwan oo uu sameeyay Maamulka Hir-Shabeelle si ay u baajiyaan ka saarista askarta kunka ah ee deegaanadooda keliya laga saarayo

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

2 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

5 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

5 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

5 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

7 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

9 hours ago