WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Dooxa:-Maraykanka oo cadaadinaya Daaliban in ay aamusido dhawaqa rasaasta.

Ergeyga Mareykanka ee Afganistan, Zalmay Khalilzad, “ayaa ku cadaadinaya Taliban in ay joojiso gulufka milatari” ayna ku laabtaan wada hadalada Dooxa ka furmaya toddobaadkan,sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibedda Markaykanka ka dib markii kooxda hubaysan ay qabsadeen xarumo badan oo ka tirsan gobollada Afghanistan.

Waaxda arrimaha dibada Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhowr kulan loo qorsheeyay in lagu qabto muddo saddex maalmood ah si looga doodo xaaladda Afghanistan.

“Danjire Khalilzad wuxuu sii joogi doonaa Dooxa si uu gacan uga geysto bixinta jawaab wadajir ah oo caalami ah oo ku aaddan xaaladda degdegga ah ee sii xumaanaysa ee Afgaanistaan,” ayay waaxdu raacisay.

Ergayga ayaa ka mid noqonaya wakiilo ka socda dowladaha iyo ururada caalamiga ah, kuwaas oo “ku cadaadinaya kooxda in ay  yarayso rabshadaha lana xoojiyo wada hadaladda laba dhinac.

Maanta oo isniin ah, Daalibaan ayaa ku dhawaaqday in ay qabsatay caasimaddii lixaad ee gobolka Afgaanistaan afar maalmood gudahood.

Afhayeenka kooxda hubaysan ayaa ku andacooday in ay ku suganyihiin Aybak, oo ah caasimadda gobolka waqooyiga ee Samangan.

Ciidamada hawlgalada gaarka ah ee Afgaanistaan ayaa awood u leh in ay Taliban ka celiyaan xarumo muhiim ah, oo ay ku jiraan Kandahar iyo Lashkar Gah, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka balse ciidanka milatariga ee dalkaasi ayaa iskaga soo baxay dhowr xarumood oo muhiim ah.

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…

9 hours ago

Wasiir Bashiir Goobe oo ku baaqay in Soomaaliya ka gudubto deeqaha Caalamiga ah

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…

11 hours ago

Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka jira HirShabeelle, dib ma u dhigi karaan doorashada bishaan?

Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…

12 hours ago

Scotland, Wales & North Ireland oo Madaxbannaani ka qaadanaya Ingiriiska

Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…

14 hours ago

Jabuuti oo qaabishay Qaxooti kasoo cararay Colaadda Yemen

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…

15 hours ago

Canada oo Xoogga saaraysa in ay Yurub la wadaagto xiriir ka madaxbannaan Maraykanka

Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…

16 hours ago