GUDAHA/wararka

Ciidanka AMISOM oo dad shacab ah ku “laayay” gobolka Shabeellaha hoose ka dib markii qarax lagu weeraray.

Warrarka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ciidamada AMISOM ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn.

Dad ku sugan aaga uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in markii hore weerarku ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo lala beegsaday kolonyada ciidamada Uganda, dabadeedna la maqlay hub culus oo ay labada dhinac isku ridayaan.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalku dhaliyay balse war ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen in gaari kuwa qafilan ah ay gubeen, tiro askarta Uganda kamid ahna ay dileen inkastoo illo madaxbannaan oo xaqiijinaya aanay jirin.

Dhinaca kale AMISOM wax wara lagama hayo oo ku saabsan weerarka ciidamadooodu lagu qaaday, balse guddoomiyaha gobolka Cabdiqaadir Maxamad Nuur Siidii ayaa sheegay in ciidamada Uganda iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday isla markaana ay dileen ugu yaraan lix ka tirsan Al-Shabaab.

Warrar kalena waxay sheegayaan in jiraan dad rayid ah oo dhintay.

Guddoomiyaha deegaanka Shalanbood Nuur Cismaan Raage oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa ku eedeeyey ciidanka AMISOM in ay si bareer ah u laayeey shacab beeraley ah.

Nuur Cismaan ayaa xusay in qaraxa kadib ciidanka AMISOM ay galeen beer ay ku sugnaayeen 4 shaqaale ah iyo ninkii iska lahaa, sidoo kalena ay wadada qabteen labo darawal, kadibna ay hal goob isugu geeyeen, ayna rasaas ku laayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Koonfur Galbeed iyo dowladd federaalka ah in ay soo fara-geliyaan arrintaas, si wax looga weydiiyo taliska guud ee ciidamada AMISOM.

Inta badan ciidamada AMISOM ayaa dilal iyo tacadiya kale u geysta dadka shacabka ah, xilliyada ay weerarada dhaba-galka ah kala kulmaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…

8 hours ago

Wasiir Bashiir Goobe oo ku baaqay in Soomaaliya ka gudubto deeqaha Caalamiga ah

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…

10 hours ago

Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka jira HirShabeelle, dib ma u dhigi karaan doorashada bishaan?

Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…

12 hours ago

Scotland, Wales & North Ireland oo Madaxbannaani ka qaadanaya Ingiriiska

Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…

13 hours ago

Jabuuti oo qaabishay Qaxooti kasoo cararay Colaadda Yemen

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…

14 hours ago

Canada oo Xoogga saaraysa in ay Yurub la wadaagto xiriir ka madaxbannaan Maraykanka

Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…

15 hours ago