Sideed qof ayaa ku dhintay, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen gaari ay la socdeen dad rayid ah oo qarax uu ku haleelay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.
Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah saddex caruur ah, oo da’dooda la sheegay in ay u dhaxeyso saddex illaa shan sano jiro.
Dhinaca kale, gaari ay wateen dhallinayaro ka ganacsata qaad oo kusii jeeday deegaanka Camaara ayaa lasoo warinayaa in isna uu qarax uu haleelay, waxaana wararku ay shegayaan in saddex qof oo mid ay tahay hawenay ay ku dhawacmeen qaraxaas.
Deeganadan ayaa dhawaan laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana muddoyinkaan ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii laba qof oo rayid ah ay sidoo kale ku dhinteen qarax ka dhacay deegaanka Qaycad ee isla gobolka Mudug.
Ciidamada dowladda iyo Galmudug ayaa miinooyin badan ka saaray waddoyinka, hase ahaatee wali waxay halis ka jirtaa waddooyinka qaar.
Qaraxa 7-dii bishan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, oo ku sii jeeday isla deegaanka Qeycad ee gobolka, halkaasi oo hal askari u uku dhintay, shan kalena ay ku dhaawacmeen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…
Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…
Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…
Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…