Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka (GMDQS) ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed muhiim ah oo ay ku shaacinayaan dib u dhigis iyo muddeyn cusub oo lagu sameeyay doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay in 10-ka May 2026 ay dhici doonto doorashada qof iyo cod ah ee lagu dooranayo xubnaha Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Doorashadan ayaa markii hore qorshuhu ahaa in ay qabsoonto 28-ka bishan April (oo ku beegan berri), balse guddiga ayaa go’aansaday in dib loo dhigo ka dib markii ay tixgeliyeen codsiyo ka yimid ururrada siyaasadda oo dalbaday in muddo kordhin loo sameeyo si ay u dhammaystiraan diyaar garowgooda.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Guddiga Doorashada
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…