Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay ayaa magaalada Muscat ee Dalka Cumaan kula kulmay hoggaanka sare ee Kooxda ASYAD oo si gaar uga shaqeeyo horumarinta Dekadaha.
Agaasimaha Guud ee ASYAD, Cumar bin Maxamuud Al-Mahrazi, oo ay wehliyaan masuuliyiin kale oo sare ayaa warbixin siiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha lagu kordhin karo waxqabadka dekedaha, lagu xoojin karo isku xirka ganacsiga, isla markaana looga faa’iidaysan karo awoodda badda ee Soomaaliya, iyada oo la tixgelinayo meesha istaraatiijiga ah ee ay kaga taallo isku xirka Badda Cas, Gacanka, iyo Bariga Afrika.
Kulanka ayaa lagu gaarey isfhan iyo in la sii wado wadashaqeynta labada dowaldood ee Cumaan iyo Soomaaliya.
Sanadihii la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysay in ay noqonto xarun marin-badeed oo la tartanta wadamada gobolka Geeska Afrika.
Mustaqbal
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…
Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…