DIBADDA/Wararka

Dooni ay la socdeen Tahriibayaal oo ku degtay xeebaha Liibiya

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in kaliya 13 qof ay ka badbaadeen kadib markii doon siday 74 qof ku degay xeebta magaalada Tobruk ee bariga Liibiya.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in dad badan oo kale ay weli la la’a yahay, isla markaasna ay socdaan howlgallo lagu baadi goobayo.

Dadka saarna doonta ayaa inta badan dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan oo ay ka jiraan colaado iyo dagaal sokeeye, welina lama xaqiijin in ay ku jiraan Soomaali.

Dhawaan dooni kale oo siday Tahriibayaal uu dab ku qabsaday xeebaha Liibiya, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 50 ruux, sida ay sheegtay Hay’adda IOM.

Hay’adda ayaa sidoo kale xaqiijisay inay gargaar caafimaad siisay 24 qof oo ka badbaaday shilkaas.

UNHCR ayaa tilmaantay in musiibadan ay mar kale muujineyso khatarta ay wajahayaan dadka doonaya u tahriibaan dalalka Yurub ee maraya badweynta Militerinamka.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

47 mins ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

5 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

9 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

9 hours ago