Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr. FEI Shengchao.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulan looga hadlay Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada Amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo binu aadanimada.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in Shiinaha ay la leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed oo dhow oo la xiriira dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Binu aadanimada.
Dhankiisa, Danjire Shengchao, ayaa tilmaamay in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…