Diyaaradaha Duulliye la’aanta Maraykanka ee Drones-ka ayaa duqaymo culus ka fuliyay Deegaanno hoostaga Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland, saraakiil katirsan maamulkaas ayaa sheegay in la dilay xubno sare oo katirsan Daacish.
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in sirdoonka maamulkaas oo kaashanaya Saaxiibada ka taageerrada weerarrada cirka ah ay heleen xogta xubnaha la beegsaday, kaddib markii lasoo dhammeeyay sahankaasina weerarka culus la fuliyay.
Saraakiil katirsan Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in goobaha la duqeeyay ay joogeen Rag u badan Ajaanib kana mid ah hoggaanka Kooxdaas ee jooga dhulka buuralayda ah ee Gobolka Bari.
Waa duqayntii labaad oo muddo todobaad ah ay ku fuliyeen ciidamada Maraykanka, ma jiro war kasoo baxay Taliska Howlgallada Maraykanka Afrika u qaabilsan ee loosoo gaabiyo AFRICOM oo inta badan weerarrada kaddib soo gudbiya faah-faahinta khasaaraha.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…