Horraantii November 2021 ayaa la arkay lix diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuna jiray hoolka costume-ka canshuurraha Garoonka Diyaaradha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, muran saacado socday kaddib NISA ayaa la wareegtay diyaaradahaas, si baaritaanno loogu sameeyo.
Diyaaradaha 6-da ah waxaa la socday Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi iyo injineerro Turki ah, kuwaas oo loo gudbiyey qaybta baarista Hay’adda NISA, hayeeshee 24 saacad kaddib ayaa lasii daayey saraakiisha Turkida ah oo dalkooda ku laabtay.
Maalmo gudahood waxaa qeylo afka furtay Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo sheegtay lahaanshaha diyaaradaha Drone-ka ah, ujeedada loo keenay dalkuna ay tahay in lagula dagaallamo cayayaanka beeraha sida Ayaxa iyo sahminta biyo-xireennada webiyada dalka, balse dowladda ay xoog uga qaadatay.
Dhowr wareysi oo uu bixiyey xildh. Zakariye waa uu kala hadlay, mar waxa uu yiri dhaqaalaha lagu soo iibiyey anigu maba awoodin.
BBC Somali wareysi kale oo uu siiyey Xildhibaanka waxa uu ku sheegay in uu isagu leeyahay milkiyadda diyaaradaha hanti badanna ay ugu fadhiyaan.
Wareysiga waxaa ku jirtay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay xildh. Zakariye in diginin uga timid DFS & CIA-da Mareykanka, wuxuu yiri hadalkaas aad ayaan uga carooday.
4-ta November madaxtooyada Soomaaliya ayaa iska fogeysay eedeymaha xildh. Zakariye warbaahinta u adeegsaday, sida uu sheegay afhayeenka Madaxweyne Farmaajo.
Shirkadda Hufan Group oo arrimaha beeraha ka shaqeysa ayuu saami ku leeyahay. https://www.hufangroup.com/about-us Zakariye Xaji Abdi Founder (aas-aasha shirkadda hufan Group).
MAXAY YIHIIN NOOCA DIYAARADAHA CABSIDA AMNI KEENTAY?
Nooca diyaadadda Drone-ka ah waa Mugin 3600 VTOL UAV waxa lagu sameeyey horumarin, iyadoo awoodda ka qeybgalka howlgallo kala gaddisan, lama sheegin in ay rayid yihiin ama kuwa ciidan howlgalladaas, waxaa la kordhiyey culeyska ay qaadi karto, dalka Shiinaha ayaa lagu sameeyey, shirkad laga leeyahay Turkiga ayaa soo iibsatay.
Lifaqa shirkadda diyaaradaha Mugin soo saarta https://www.muginuav.com/
Mid ka mid khubarrada amni waxa uu ii sheegay in nooca Mugin 3600 loo yaqaanno Suicide Drone, waxaa kaloo uu shaki geliyey in nooca xildhibaan Zakariye sheegay iyo kuwa NISA heyso ay kala duwan yihiin, isla markaana digniino laga soo saaray.
Axmed Cali Yuusuf (Galool) oo qaraabo dhow la ah agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa 2001-dii ilaa 2005-tii Midowga Yurub kusoo rogeen xayiraado dhaqaale iyo safar kaddib markii uu ka soo muuqday liiska dadka lagu tuhunsan yahay taageeridda argagixisada ee uu soo saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la ii sheegay in uu lug lahaa soo iibista diyaaradaha.
Liifaaqa eedeymaha Axmed Cali Yuusuf
https://eurlex.europa.eu/legalcontent/EN/TXT/PDF/?uri=CELEX:62001TJ0306_SUM&fromN
https://euobserver.com/justice/19910
Diblomaasi ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya waxa uu sheegay in uu qabo shaki ah in Zakariye Xaaji Abdi uu luqunta la gali karo fal raadkiisu noqon doona laba midkood.
dhibaato siyaasadeed oo taabanaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka geeska Aftica, waxaa aad loo tuhmayaa xiriirka Zakariye kala dhexeeya madaxweynaha Eritrea Assisi Afwerki, iyadoo ay jiraan eedeymo hore oo ah in Afwerki uu taageero siiyey argagixisada Soomaaliya joogta.
Dhibaato amni oo halisteeda leh, saameynna ku yeelata doorashada aan la hubin ee Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ficillo ka dhan lagu geysto diyaaradaha.
Hey’adda NISA ayaa 10-ka November sii deysay macluumaad caddeynaya in aysan jirin wax Documents lahaansho ah oo uu heysto xildhibaan Zakariye oo ku aaddan diyaaradha.
Ilo sirdoon ayaa muujinaya in ay soo farogelisay diyaaradaha Drone-ka ah ee Soomaaliya la keenay hey’adda sirdoonka dibedda Mareykanka ee CIA-da, iyadoo la wada og yahay in Mareykanku Soomaaliya ka fuliyo duqeymo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Haddaba sidee suurogal ku tahay in hawada dalka wada isticmaalaan nooc diyaarado aan duuliyo lahayn oo mid ka mid ah aysan caddeyn danaha dhabta ah ee loo keenay?.
Mase laga yaabaa in lagu geysto weeraro gaadmo ah?, sida weerarkii uu ka badbaadiyey Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq.
W/Q Hussein Mohamed Aden
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…
Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…
Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…
Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…