GUDAHA/wararka

AMISOM oo dil ku xukuntay Askar Dad rayid ah ku dishay Shabeelaha Hoose.

Howlgalka AMISOM ayaa ku dhawaaqay in lasoo gaba-gabeeyay maxkamadeynta 5-Askari oo katirsan Ciidanka Uganda kuwaas oo loo xiray in ay ka dambeeyeen dil arxan-darro oo ay u geysteen Dad rayid ah.

Ciidan katirsan kuwa Uganda ayaa deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku toogteen dad rayid ah 10-kii August 2021 iyaga oo markii dambe ku qarxiyay miino sida ay sheegeen ehelkooda.

Arrintaan ayaa sababtay dibadbaxyo xooggan oo ay sameeyeen ehelka 7-da ruux ee gacanta Askarta Uganda ku baxay, ku dhawaad 3-bil ayaa meydkooda oo go’go’an lagu hayay Qaboojiye waxaana ugu dambeyn aaskooda dalbatay XFS.

Maxkamadeynta Askartaan ayaa ka socotay Xerada Xalane, labo kamid ah waxaa lagu xukumay dil halka saddexda kale ay qaadanayaan 39-sano oo xabsi ah sida lagu sheegay xukunka Maxkamaddu ay ridday.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa 19-kii August 2021 qirtay in askartiisa ku sugan Gobolka Shabeelaha ay dileen Dad rayid ah, waxaana uu shaaciyay in la xiray askartaas si dacwad loogu soo oogo.

Afhayeenka Beeralleyda Gobolka Shabeellaha Hoose Xuseen Cismaan Waasuge oo ka qaybgalay fadhiyada Maxkamadda ee dhageysiga heerarka kala duwan ee kiiskaan uu soo maray ayaa BBC-da u sheegay in saraakiil ka socda Dowladda Uganda muqdisho ay usoo gaareen maxkamadeynta askartaas.

Xuseen ayaa sheegay in labada sarkaal ee dilka lagu xukumay ay kala yihiin “Kabtanka Ciidanka watay & ku xigeenkiisa”, halka Askarigii Meydka mina ku qarxiyay lagu xukumay 39-sano oo xabsi ah sida uu hadalka u dhigay.

AMISOM ayaa dhageysatay hal marqaati oo Soomaali ah kuna sugnaa beerta dadkaan laga soosaaray & 6-askari oo katirsan Ciidanka Uganda ee goobjooga u ahayd dhacdadaan, waxaana sidaas lagu gaaray xukunka lagu riday 5-Askari ee u dhashay Uganda.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…

8 hours ago

Wasiir Bashiir Goobe oo ku baaqay in Soomaaliya ka gudubto deeqaha Caalamiga ah

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…

10 hours ago

Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka jira HirShabeelle, dib ma u dhigi karaan doorashada bishaan?

Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…

12 hours ago

Scotland, Wales & North Ireland oo Madaxbannaani ka qaadanaya Ingiriiska

Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…

13 hours ago

Jabuuti oo qaabishay Qaxooti kasoo cararay Colaadda Yemen

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…

14 hours ago

Canada oo Xoogga saaraysa in ay Yurub la wadaagto xiriir ka madaxbannaan Maraykanka

Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…

15 hours ago